Home Wararka Maanta Xisbiyada Norway oo ku heshiiyay Sharciyo lagula dagaalamayo Kooxaha Gangiska ee ka...

Xisbiyada Norway oo ku heshiiyay Sharciyo lagula dagaalamayo Kooxaha Gangiska ee ka jira wadanka

0
Photo: HÃ¥kon Mosvold Larsen / NTB

Xisbiga Fremskrittspartiet (FRP) ayaa ku biirey xisbiyada dowlada gaar ahaan 9 qodob oo lagu xoojinayo la dagaalanka dambiyada gaangiska iyo danbiyada dhalinyarada ee Norway.

Tani waxay noqon doontaa sharcig aad u xoog badan. Sanadka soo socda wuxuu u noqon doonaa sanad dhibaato ku ah kooxaha gaangiska ah, ayuu afhayeenka siyaasada ee xisbiga muxaafidka Peter Frølich u sheegay xafiiska wararka ee NTB.

Xisbiyada Høyre, Venstre (Venstre) iyo Kristelig Folkparti (KRF) ayaa hada heshiis la galay xisbiga Hormarinta (FRP) heshiiskaasi oo ka kooban sagaal talaabo oo xoojinaya dadaallada ka dhanka ah dhallinta iyo dambiyada gaangiska ee Norway. 

Dhinacyadu waxay sidoo kale miiska saarayaan 60 milyan NOK si loo hirgaliyo talaabooyinka.

Heshiiskan ayaa jawaab u ah soo jeedin wakiilo ka socda xisbiga hormarka u soo gudbiyay baarlamaanka Norway (Storting) bishii May. 

Afhayeenka Siyaasadda Xisbiga Caddaaladda, Per-Willy Amundsen, ayaa rumeysan inuu ku guuleystay in saddexda xisbi ee kale ay ka qaybgalaan wax ka badan intii uu filayay haddii xisbigu weli dowladda ku sii jiri lahaa.

Sharciyada Cusub ayaa ugu muhiimsan Sharciga wax looga qabanayo dhalinyarada ka yar 18 sano jirka ah kaasi oo hadii dhoor dambi lagu helo  laga qaadayo tilaabo adag sida sharciyada cusub ay muujinayaan.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here