Home Wararka Maanta Sweden oo Qiratay in ay ku fashilmeen ilaalinta Dadka Waayeelka Xiliga Guga

Sweden oo Qiratay in ay ku fashilmeen ilaalinta Dadka Waayeelka Xiliga Guga

0
Foto: Anders Wiklund/TT

Kadib markii gudiga Corona uu  dhaleeceyn adag u jeediyay dowlada inay ku guuldareysatay inay ilaaliso dadka waayeelka ah istiraatiijiyadooda ay ku wajaheyso Corona, Wasiirka Arimaha Bulshada, Lena Hallingrin , waxay tixgelisay in ku guuldareysiga ilaalinta waayeelka ay tahay xaqiiqo

Gugii waxaa cadaatay in aan ku guul daraysanay in aan ilaalino dadka waayeelka ah,” ayay” tiri.

Sida laga soo xigtay wasiirka, waxtarka sinaanta looma sinneyn daryeelka dadka da’da ah.Sidaa darteed, dowladda ayaa sameyn doonta labo baaritaan, mid sharciga cusub ee daryeelka dadka da’da ah, iyo mid kale si kor loogu qaado aqoonta caafimaad ee daryeelka waayeelka.

Hallingren ayaa sheegtay in cilladaha daryeelka waayeelka ay salka ku hayaan tobanaan sano oo dayac ah, waa sida ay hadalka u dhigtee.

In kasta oo wasiirada qiratay qaladkaasi, haddana waxay aaminsan tahay in dawlada ay qaaday tallaabooyin badan oo kor loogu qaadayo daryeelka waayeelka.

Uma maleynayo in la dhihi karo waxba lama qaban, waa inaan si ka sii dhakhso badan u” shaqeeynaa,” ayay tiri.

Somaliska Stockholm

Xigasho/SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here