Home Wararka Maanta Xisbiga Sverigedemokraterna oo ka jawaabay Mamnuucida iskuulada Diimaha ku dhisan..

Xisbiga Sverigedemokraterna oo ka jawaabay Mamnuucida iskuulada Diimaha ku dhisan..

0

Kadib markii shalay ay Xisbiga Talada Dalka Haya eeĀ Socialdemokraterna uu soo bandhigay in la joojiyo iskuulasa diimaha ku dhisan ayaa arintaasi waxaa ka hadlay dhoor xisbi.

Xisbiyada ka hadlay waxaa kamid ah XisbigaĀ Sverigedemokraterna isagoo kasoo horjeestay Hindisaha dhigaya in La joojiyo oo la Mamnuuco iskuulada ku dhisan diimaha ee Xiligan Dhisan.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa taasi badalkeeda waxaa uu rabaa in la dhisin iskuul danbe oo diin ku saleysan sida uu sheegayĀ Stefan Jakobsson ku hadlaya Magaca xisbiga.

Stefan Jakobsson ayaa intaasi ku daray in ay ku kalsoonyihiin in aan la furidoonin iskuul kale oo ku dhisan diimaha.

Hadalka Xisbiga ayaa yimid kadib markii shalay uu xisbigaĀ Socialdemokraterna uu sheegay in sharciga lagu mamnuucayo iskuulada Diimaha ku dhisan uu miiska u saaranyahay isla markana la marinayo Barlamaanka.

Xisbiga ayaana sababta mamnuucida ku sheegay in ay saameyn ku yeesheen is dhexgalka bulshada sweden.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here