Home Wararka Maanta Xisbiga Sverigedemokraterna oo doonaya in uu ku biiro dowlada Cusub Sanadka Soo...

Xisbiga Sverigedemokraterna oo doonaya in uu ku biiro dowlada Cusub Sanadka Soo Socda

0

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa raba in uu ku biiro dowlad cusub doorashada ka dib sanadka soo socda.

Xisbigu maha inuu ka mid ahaado dowladda. Laakiin waxay rabaan inay ku lug yeeshaan oo ay go’aan ka gaaraan siyaasadda.

– Way cadahay inaan rabno inaan ka mid ahaano dowlad. Laakiin siyaasada ayaa ugu muhiimsan, ayuu yidhi hogaamiyaha xisbiga Jimmie Åkesson.

Xisbiga Sverigedemokraterna wuxuu rabaa inuu iskaashi badan la yeesho Moderaterna iyo Christian Democrats. Jimmie Åkesson wuxuu sheegay inuu doonayo wadashaqeyn dhanka siyaasada ah.

Tobias Billström oo ka tirsan xisbiga Moderaterna ayaa qaba in soo jeedinta xisbiga Sverigedemokraterna ay u muuqato mid wanaagsan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here