Home Wararka Maanta Xisbiga SD oo soo jeediyay in Waajib laga dhigo marada Afka

Xisbiga SD oo soo jeediyay in Waajib laga dhigo marada Afka

0
Foto: Jessica Gow / TT

Xisbiga SD ee dalka Sweden ayaa maanta Barlamaanka dalka waxa uu ka codsaday in Hay’ada Caafimaadka ee Dalka waajib ka dhigto marada Afka si loo yareeyo aafada Corona.

hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Akesson ayaa sheegay in wax shagi ah ku jirin xirashada marada afka ay yareen karto Faafista corona isla markana dowlaa waajib ka dhigto sida ay sameeyeen wadamada Caalamka oo kale.

talo soojeedinta xisbiga SD ayaa ku soo aadeysa iyadoo wax talaabo ah aysan qaadin Hay’ada Caafimaadka ee ku aadan sidii dadka waajib looga dhigi lahaa marada Afka.

Hay’ada Caafimaadka ayaa horay u sheegtay in Marada Afka aysan waxba ku soo kordhin karin ka hortaga Xanuunka lakin ay wanaagsantahay kala fogaanshaha.

arinta la xiriirta xirashada marada Afka ayaana dood adag ka dhex abuurtay Xisbiyada dalka iyadoo qaarkood ay kasoo horjeedaan isla markana waxba u arkin.

somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige qeybta afka-swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here