Xisbbiga mucaafidka ah ee Moderaterna ayaa qorsheynaya inuu doorashada soo socota la yimaado soo jeedin sahlaysa in qaar ka mid ah muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa si gaar ah u dhexgalay bulshada ama leh xirfado sare, ay helaan waddo deg-deg ah (snabbspår) oo ay ku qaataan dhalashada Iswiidhan (Medborgarskap). Wasiirka socdaalka Johan Forssell ayaa sheegay in ujeedada qorshahani ay tahay in “shaqada adag iyo dadaalku ay midho dhalaan”.
Intii uu ku sugnaa booqasho uu ku tagay degmada Sollentuna, ayuu Johan Forssell u sheegay wargeyska Dagens Nyheter (DN) in xisbigu doonayo inuu diiradda saaro arrimaha dhex-galka (integration) inta lagu jiro ololaha doorashada iyo xilliga baarlamaanka ee soo socda, iyada oo ay isla markaana meesha ku jirto in la adkeeyo siyaasadda socdaalka guud.
Waddo deg-deg ah oo lagu qaadan karo shanta sano gudahood
Xisbigu wuxuu soo jeedinayaa in dadka buuxiya shuruudaha gaarka ah ay awood u yeeshaan inay helaan dhalashada muddo shan sano gudahood ah, halka ay hadda tahay siddeed sano sida ku xusan xeerarka cusub ee la ansixiyay bishii Juun ee la soo dhaafay.
Forssell ayaa caddeeyay in hal-beegyada (criteria) waddadan deg-deg ah loo baahan yahay in si qoto dheer loo sii darso looguna tashado hay’adda amniga qaranka (Sapo), hase yeeshee wuxuu soo bandhigay tusaalooyin ku saabsan qaybaha uu qorshahan khuseyn karo, sida:
In qofku uu bilaabo ganacsi
Inuu si deg-deg ah ku barto luqadda Iswiidhishka
Ama inuu sameeyo dadaal ama hawl muhiim u ah dalka Iswiidhan, sida la dagaallanka cadaadiska sharafta qoyska (hedersförtryck).
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD








