Home Wararka Caalamka Xildhibaanad Stella Creasy oo Xaruunta Barlamaanka lasoo gashay Wiilkeeda oo Saddex Bilood...

Xildhibaanad Stella Creasy oo Xaruunta Barlamaanka lasoo gashay Wiilkeeda oo Saddex Bilood jira

0
Photo/[Handout/PRU/AFP]

Siyaasiyada Stella Creasy ayaa ku baaqday in dib u habeyn lagu sameeyo buuga sharci ee baarlamaanka kadib markii ay heshay canaan rasmi ah oo ku aadan ka qeyb galka dood iyada iyo cunugeeda oo saddex bilood jir ah Xaruurnta Barlamaanka Uk.

Stella Creasy, oo ah xildhibaanad ka tirsan xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Labour-ka, ayaa wiilkeeda u kaxaysatay doodda ka dhacday hoolka baarlamaanka ee Westminster Talaadadii.

Isla maalintaas ka dib, waxay heshay warqad ka socota xoghayaha gaarka ah oo u socota guddoomiyaha Guddiga waxana lagu sheegay in joogitaanka dhallaanka aanu ahayn mid waafaqsan xeerarka dhawaan la daabacay ee “dabeecadda iyo ixtiraamka” ee khuseeya hab-dhaqanka Aqalka Hoose iyo Westminster. Hoolka, oo ah dhismo taariikhi ah oo loo isticmaalo fadhiyada xildhibaanada qaar.

Creasy, oo 44 jir ah, ayaa sheegtay in ay horay u geysay baarlamaanka wiilkeeda iyo gabadheeda ka weyn dhibaato la’aan balse loo sheegay in sharcigu isbedelay bishii Sebtembar.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here