Warbaahinta dalka Ukraine iyo kuwa caalamka ayaa si weyn u hadal haya weerar bambaano oo khasaaro geestay oo Jimcihii shalay ka dhacay Ukraine,waxaana weerarka fuliyay xildhibaan katirsan gole deegaan oo ka dhisan galbeedka Dalka Ukraine.
Xildhibaanka weerarka geestay ayaa kamid ahaa xildhibaanno gole deegaan oo shir lahaa, waxa uuna xildhibaanka oo carreysan si deg deg ah uga baxay shirkii uu ka qeyb galayay, isagoona daqiiqado kaddib bambooyin ku tuuray qolkii shirku ka socday.
Inta la xaqiijiyay weerarkan bambaano waxaa ku dhaawacmay 26-qof oo kamid ahaa xubnihii shirka u socday, booliiska ayaana sheegay in qaar kamid ah dadka dhaawaca qaba ay ku jiraan xaalad halis ah.
Kulanka xildhibaannada la weeraray ayaa looga doodayay  miisaaniyadda sannadka 2024-ka iyo sidoo kale natiijada maaliyadeed ee sanadkan iyagoo cod u qaadaya in gudoomiyaha golahaasi la siiyo guno, ninka weerarka geestay ayaana kasoo horjeeday qodobada qaar.
Weerarkan ayaa markii uu dhacayay si toos ah looga daawanayay barta Facebook, waxaana ninka weerarka geestay la arkayay isaga oo qeylinaya oo qolka uu shirku ka socday soo istaagaya kaddib bambaannada ku tuuraya xildhibaannada.