Home Wararka Caalamka Canshuur kordhintii ugu badneyn mudo sagaal sano ah

Canshuur kordhintii ugu badneyn mudo sagaal sano ah

0
Foto: Janerik Henriksson / TT

Inta badan degmooyinka iyo gobolada Iswiidhan waxay ku dhawaaqeen kordhinta canshuurta taasoo saameyn doonta dadka degan bilowga sanadka cusub.

Tirakoobyada Sweden ayaa muujiyay in celceliska dakhliga la filayo uu noqon doono kii ugu badnaa muddo sagaal sano ah.

Canshuurta dawladda hoose iswiidhan waxa ay ka kooban tahay laba qaybood, kow waa cashuurta gobolka oo kor u qaadaysa 100 sek karoon bilawga sanadka cusub, tan labaad waa cashuurta dawlada hoose, ama degmada, taasoo kordhin doonta 33 sek 100 kii karoon.

Celceliska canshuurta degmada, qeyb ahaan, waxay kor u qaadi doontaa 145 sek sanadka 2024, taasoo gaareysa 32.37 boqolkiiba celceliska guud ee Iswiidhan.

Inkasta oo inta badan dagmooyinkaiyo maamul goboleedyada ay doorteen in la kordhiyo cashuurta, 23 degmooyin ayaa go’aansaday 4-na in la dhimo cashuuraha laga qaado dadka degan, halka dawladaha hoose ee kale ay doorteen in aanay wax ka bedelin heerka cashuurta.

Dadka degan degmada Österåker ee bariga Stockholm ayaa heli doona canshuurta ugu hooseysa ee degmada oo dhan 28.98 boqolkiiba, halka dadka degan degmada Degerfors ee Orebro County ay bixinayaan. canshuurta ugu badan ee 35.30 boqolkiiba, sida ay sheegtay TT.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here