Home Wararka Caalamka Israail oo laysay Maxaabiis Israailiyiin ah oo Xamaas Afduub u Haysteen

Israail oo laysay Maxaabiis Israailiyiin ah oo Xamaas Afduub u Haysteen

0
Foto: Maya Alleruzzo / AP / NTB

Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa duullaan xooggan ku qaaday magaalada Gaza, waxa ayna ujeedka duullaankooda ku sheegeen sidii ay usoo furan lahaayeen laheestayaal Israa’iil u dhashay iyo ajaaniib kale oo gacanta Xamaas ku jira.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku qirteen in gacantooda si khalad ah ugu dileen saddex nin oo Israa’iil u dhashay, kuwaa oo kamid ahaa dadka kooxda Xamaas afduub ahaanta u heesteen.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in si khalad ah uu u dhacay dilka saddexda nin oo lagu kala magacaabi jiray Yotam Haim, 28, Samer Tallalka, 22, iyo Alon Shamriz, 26, waxa ayna sheegeen in raggan si khalad ah loogu aqoonsaday in ay halis yihiin.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in dhacdadii Jimcihii ay baaritaan ku hayaan, waxayna sheegeen in ay si qoto dheer uga xun yihiin dhacdadaas naxdinta leh, waxayna u direen  qoysaska ragga ay dileen tacsi tiiraanyo leh.

Dad ka carreysan dilka milatariga Israa’iil u geesteen saddex laheeste oo Israa’iil kasoo jeeday ayaa dibad-bax ka dhigay bartamaha Tel Aviv , waxa ayna dadkan dalbanayeen in wadahadal lagu soo daayo dadka ay Xamaas heestaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here