Home Wararka Maanta Xayiraadaha Corona oo hakiyay isdhexgalka Xaruumaha Dadka Magangalyadoonka

Xayiraadaha Corona oo hakiyay isdhexgalka Xaruumaha Dadka Magangalyadoonka

0
Foto: Fredrik Sandberg / TT /

Waxqabadyo badan oo is-dhexgal ah oo ka dhaca Iswiidhan waxaa saameeyey dhibaatada Corona iyo tilmaamaha caafimaadka ee ay soo saaraan mas’uuliyiinta caafimaadka si loo xaddido faafitaanka cudurka. Sida ay maanta qortay idaacada Sweden.

Howlaha isdhexgalka bulshada ayaa laga hakiyay xarunta labaad ee ugu weyn Sweden ee magangalyada, Spenshult Center ee Halmstad, tan iyo markii dowlada adkeysay xayiraadaha Corona bishii November ee la soo dhaafay.

Michaela Westerbury, iskuduwaha isdhexgalka ee Laanqeyrta Cas ee Halmstad ayaa tiri “Shirkado badan ayaa albaabada isugu laabay arintaasna saameyn weyn ayey ku yeelatay howlaha midowga”.

 Barashada luuqada iyo dhaqanka iswiidhishka waa mid aad muhiim u ah ayuu yiri Abdul Razzaq Ahmed oo ah magangalyo doon degan Spenshult.

“Waxaan rajeyneynaa in masiibada ay si dhakhso leh u dhamaan doonto, waxaana ku laaban doonaa barashada luuqada iyo ku celcelinta howlaha caadiga ah,” ayuu raaciyay

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here