Home Wararka Caalamka Xamaas oo Dooneysa in Afar Maalin la kordhiyo Xabad Joojinta

Xamaas oo Dooneysa in Afar Maalin la kordhiyo Xabad Joojinta

0
Foto: Ariel Schalit / AP / NTB Foto: NTB

Xamaas ayaa dooneysa in ay ku kordhiso xabbad joojinta socata afar maalmood oo kale marka midda hadda jirta ay dhammaato, sida ilo ku dhow kooxdan ay u sheegeen AFP.

Sida laga soo xigtay xog-ogaalka, Xamaas waxay ku wargelisay dhexdhexaadiyeyaasha waxayna sheegtay inay awood u yeelan doonto inay sii deyso la haystayaal badan inta lagu jiro muddadaas.

Horaantii Arbacadii, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Israa’iil ay heshay liiska la haystayaal la sii dayn doono. Sidoo kale, wada-xaajood xooggan ayaa la sheegay inuu ka socdo dalka Qatar, kaasoo lagu doonayo in xabbad-joojin la kordhiyo.

Isniintii, xabbad joojinta ayaa sidoo kale lagu daray Talaadada iyo Arbacada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here