Home News in English Xadka u dhaxeeya Giriiga iyo Turkiga oo Dad badan ugu dhinteen Qabow...

Xadka u dhaxeeya Giriiga iyo Turkiga oo Dad badan ugu dhinteen Qabow dartii

0

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleiman Soylu ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay dhimashada 12 qof oo qaxooti ah oo qaboow ba’an ku qabowsaday ka dib markii ilaalada xuduudka Giriiga ay “ka celiyeen” xadka.

Eedaynta Soylu ayaa halis galinaysa inay sii huriso xiisada u dhaxaysa labada xulafada NATO. Waxa ay sidoo kale muujineysaa walaaca Ankara ay ka qabto waxa ay u aragto in reer Galbeedku ay ku guuldareysteen in ay taageero ku filan siiyaan Turkiga, oo martigeliya ilaa shan milyan oo qaxooti iyo muhaajiriin ah, iyadoo ay suurtagal tahay qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Afgaanistaan.

“Laba iyo toban ka mid ah 22 muhaajiriin ah oo ay soo celiyeen cutubyo ka tirsan xuduudaha Giriiga ayaa barafoobay kadibna dhintay ” Soylu ayaa ku yiri bartiisa twitter-ka, oo ku lifaaqan sawirka meydadka ee waddada dhinaceeda. “Midowga Yurub ma lahan wax xal ah, waa daciif oo waxaa ka maqan dareenka aadanaha,” ayuu raaciyay. Soylu wuxuu sheegay in sawirada laga soo qaaday meel u dhow magaalada Ibasala ee xuduudka Turkiga (galbeed).

Xafiiska Badhasaabka gobolka ayaa sheegay in 11 ka mid ah tahriibayaasha la helay iyagoo barafoobay oo dhintay, halka mid kale oo tahriibe ah oo la dhigay cisbitaalka ka dib markii uu dhaxan ba’an ku haleelay oo u dhintay “in la badbaadiyo”.

Tan iyo saaka ayaa mas’uuliyiinta dalka Turkiga waxay baaritaan ku sameynayeen goobtaasi, iyadoo ujeedka uu ahaa sidii loo heli lahaa tahriibayaal kale oo u baahan gargaar caafimaad oo deg deg ah, iyadoo dhanka kale laamaha garsoorka ay fureen baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen. Sida laga soo xigtay maamulka deegaanka, heerkulka aagga meydadka laga helay ayaa gaaray laba darajo Celsius, iyadoo roobka uu jiro. Sawirada si madax banaan looma xaqiijin karo xaqiiqda dhabta ah, lamana oga wadamada ay u kala dhasheen dhibanayaashan.

Ilaa hadda, ma jiro wax faallo ah oo ka soo baxay Athens. Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa dhaleeceeyay Athens.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here