Home News in English War Hada AH: Sweden oo ku Dhawaaqday Waqtiga dib loo furayo Dalka...

War Hada AH: Sweden oo ku Dhawaaqday Waqtiga dib loo furayo Dalka lana Joojinayo Xayiraadaha

0
Foto: Marko Säävälä / TT

Dowlada Sweden gaar ahaan  ra’iisul wasaare Magdalena Andersson ayaa maanta ku dhawaaqday in la joogo Waqtigii Dalka dib loo Furi lahaa.

Andershon ayaa ku dhawaaqay joojinta xayiraadaha Corona laga bilaabo 9-ka Febraayo, iyo soo celinta shaqaalaha ku shaqeeya guriga in ay dib ugu laabtaan goobahooda.

Andersson waxa shirka jaraa’id kula wehlinayay Wasiirka Arrimaha Bulshada Lena Hallengren iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha Karin Wessel oo ku saabsan tillaabooyinka la xidhiidha Faafida Corona.

Hallengren waxay sharraxday in go’aanka uu dhiirigeliyay heerka sare ee tallaalka ka hortagga cudurka, xaqiiqda ah in dad yar ay yeeshaan calaamado halis ah, iyo sidoo kale horumarinta aqoonta ku saabsan nuuca cusub, eeOmicron.

“Waa inaad guriga joogtaa haddii aad leedahay astaamo,” Andershon ayaa tidhi sidaasi.

Loo-shaqeeyayaasha ayaa hadda bilaabi doona inay ka shaqeeyaan si ay awood ugu siiyaan shaqaalaha ku shaqeeya guriga inay si tartiib tartiib ah ugu laabtaan goobtooda shaqada

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here