Home Wararka Maanta Xabsi afar sano ah oo lagu xukumay Shaqaalo ka tirsanaa Swebank

Xabsi afar sano ah oo lagu xukumay Shaqaalo ka tirsanaa Swebank

0

Maxkamada Degmada Stockholm ayaa Xabsi 4 sano ku xukuntay nin ka tirsanaa Shaqaalaha bangiga Swebank kaasi oo qaar kamid macaamiisha bangiga kala wareegay lacag ku jirtay koontadooda sida ay warisay warbaahinta SVT.

Ninkan ayaa lacagaha si kadis ah kala bixi jiray Koontooyinka dad waayeel ah iyo dad kale isagoo goobta Maxkamada ka qirtay dambiga Falkaasi uu geestay.

35 milyan oo laga dhacay 14 Macaamiil oo ka tirsan Bangiga ayaa laga helay 17 milyan oo kaliya  halka inta kale la wayay.

Maxkamada ayaa ninkaasi waxay kaloo ku xukuntay 15 milyan in uu magdhow u siiyo Bangiga Swebank.

Bangiga swebank ayaa horay dhoor mar waxaa loogu eedeeyay in lacago suuq madow ah la dhexmariyay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here