Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo Lacag 3 bilyan ku caawisay Gadiidka Dadweynaha

Dowlada Sweden oo Lacag 3 bilyan ku caawisay Gadiidka Dadweynaha

0

Kadib shir jaraa’id oo dowlada qabatay maanta waxaa lagu soo bandhigay lacag gaareysa 3 bilyan oo dowlada ku caawineyso Shirkadaha gaadiidka Dadweynaha si ay kaga soo kabsadaan dhibaatada dhaqaale ee kasoo gaartay Cudurka Corona.

Wasiirada Deegaanka Sweden isabella oo shirka jaraa’id qabatay ayaa shaaca ka qaaday go’anka Dowlada ee 3 bilyan lagu caawinayo Habka Gadiidka Dadweynaha sida Tareenada iyo Basaska oo labadii bilood ee ugu danbeeyay soo wajahday dhibaato dhaqaalo.

Maamulka Gadiidka sweden oo dhankooda ka hadlay Caawinaada Dowlada ayaa dowlada uga mahadceliyay in ay kasoo jawaabeen Codsiga ay dhawaan gudbiyeen.

Heshiis ay gaareen Xisbiyada Centerpartiet, Liberalerna iyo Dowlada ayaa keenay in lacagtaasi loogu deeqo Gadiidka dadweynaha si ay u sii socoto Shaqada ay hayeen.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here