Home Wararka Maanta Xaalada Sweden Waa Mid Halis ah ” Sarkaal sare oo Booliska ah...

Xaalada Sweden Waa Mid Halis ah ” Sarkaal sare oo Booliska ah oo sheegay sidaasi

0

Madaxa waaxda howlgallada qaranka ee booliska Sweden NOA, Johan Olsson, ayaa ku tilmaamay toogashadii ka dhacday Sweden mid taariikhi ah.

Wareysi uu siiyay Radio Echot , wuxuu codsaday in la kordhiyo agabka iyo awoodaha booliska .

Tirada toogashada ee sanadkii hore ka dhacday Sweden ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay.

Sida laga soo xigtay bilaysku, marka laga reebo rabshadaha kooxaha gaangiska, dembiilayaasha waxay galaan xarumaha dawladda.

“Xaalad aad halis u ah ayaa dalka Iswiidan ku heysanaa dambiyo abaabulan,” ayuu yiri Olsson.

Waxa uu ku micneeyay in inta badan ay adag tahay in dambiyada la baaro sababo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin in dambiilayaasha aysan uga tagin raad muhiim ah oo ku saabsan falalkooda, marka labaadna, kuwa ka badbaaday dembiyadaas iyo goobjoogayaasha ay ka baqayaan inay cadaaladda kala hadlaan.

Olson ayaa ku dooday in booliiska loo ogolaado in ay farageliyaan taleefoono badan, xitaa iyada oo aan laga shakin.

Inkasta oo tirada askarta bilayska ah ee leh awood dheeraad ah ay kordhin doonto hadhow, toogashadu ma yaraan doonto, haddii aan la joojin qoritaanka kooxaha gaangiska, ayuu yidhi Johann Olsson

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here