Home News in English Xaafada Tensta oo lagu toogtay Wiil Somali ah

Xaafada Tensta oo lagu toogtay Wiil Somali ah

0

Xaafada Tensta ayaa Saaka lagu toogtay wiil somali ah kaasi oo dadiisa lagu sheegay 25 sano jir.

Toogashada ayaa dhacday Aroorta hore waxana Digniinta ugu horeesay ay booliska heleen 6.30 am markii ay gaareen goobta ayay la kulmeen qofka la toogtay oo meyd ah.

Eva Nilsson oo ka tirsan Booliska ayaa warbaahinta u sheegay sidan ” Waxaan xirnay goobta oo aan baaritaan ka wadno kumana siin karo Faahfaahin la xiriira Falka dhacay”

Dilka saaka ka dhacay Xaafada Tensta ayaa ku soo aadeysa iyadoo Sanadkan ay hoos u dhaceen Falalka dilka ay isku geestaan Kooxaha Gangiska ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpaldet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here