Home News in English Migrationsverket Maxaa keenay Sugitaanka Waqtiga dheer ee helista dhalashada muwaadimo

Migrationsverket Maxaa keenay Sugitaanka Waqtiga dheer ee helista dhalashada muwaadimo

0

Xili dad badan ay dalbadeen dhalashada dalka Sweden ayaa war kasoo baxay laanta socdaalka sweden looga hadlay sugitaanka waqtiga uu qofka ku helayo basaboorkaasi.

Hay’ada socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa ka jawaabtay warar ay baahiyeen warbaahinta taasi oo la xiriirta in waqti dheer la sugo helista basaboorka ween ama dhalashada Dalka.

Agaasimaha xiriirka Laanta Socdaalka Fredrik Bengtsson ayaa sheegay in waqtiga ugu dheer ee la sugayo dhalashada ay tahay 30 bilood oo u dhiganta 2 sano iyo 6 bilood.

Fredrik Bengtsson ayaa intaasi ku daray in waqtiga caadiga ay tahay 293 maalmood halka dadka kale ay ku qaadan karto mudo 6 bilood ah.

ugu danbeyn laanta socdaalka ayaa sheegtay in sababta keenta dib u dhaca ay ugu weyn tahay baaritaanka kiisaska dadka dalbaday oo kala duwan qaarkood oo mudo qaadato halka kuwa kale ay qaadato waqti kooban

Somaliska Stockholm

Xigasho/Migrationsverket

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here