Home Wararka Maanta Xaafada Hjulsta oo Xalay lagu dilay wiil 18 sano jir ah &...

Xaafada Hjulsta oo Xalay lagu dilay wiil 18 sano jir ah & Dad loo qabtay

0

Wararka laga helayo Xaafada Hjulsta ee Waqooyiga Stockholm ayaa sheegaya in Xalay Fiidnimadii halkaasi lagu toogtay wiil dhalinyaro ah dadiisa lagu sheegay 18 sano jir.

Dadka Xaafada ayaa booliska ku wargaliyay waxaana goobta uu ka dhacay Falkaasi loogu tagay 18 sano jir kaasi oo dhaawaca u geeriyooday markii isbitaalka loo qaaday.

Toogashada ayaa dhacday 9-ka Fiidnimo lakin waxyar kadib booliska ayaa sheegay in 6 Qof loo xiray Shaki la Xiriira Falkaasi dhacay baaritaan dheer oo Booliska ka sameeyeen Goobta.

Afayeen u hadlay Booliska oo lagu Magacaabo  Towe Hägg ayaa warbaahinta u sheegay in Dadkaasi loo xiray Shaki la xiriira Toogashadaasi isla markana lagu wado Baaritaan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here