Home Wararka Maanta Arbetsförmedlingen:- Shaqo la’an xoogan oo laga filayo guud ahaan Wadanka Sweden sida...

Arbetsförmedlingen:- Shaqo la’an xoogan oo laga filayo guud ahaan Wadanka Sweden sida warbixin lagu soo bandhigay

0

Saameeynta uu caabuqa corona ku yeeshay dhaqaalaha ayaa sabab u noqday iney shirkado badani ey qaar badan oo ka mid ah shaqaalahoodii shaqada ka eryaan.

Toddobaadkii ina dhaafay ayey aad kor ugu kaceen tirada shaqaalaha laga eryey howlihii ey hayeen, middaasina oo iminka gaarsiisan heerkii shaqa beelka ee sannadkii 2008 oo caalamku ku sugnaa dhaqaale darro, sida uu xafiiska shaqadu tirakoob ku soo ban dhigay.

– Intii lagu guda jiray xaaladdii dhaqaale ee cakirnayd 2008 bilowgii bishii oktoobar iyo nofeembar ayey tirada shaqaalaha laga eryo howlahoodu gaarsiisnayd 20 000 bishiiba, iminka toddobaad gudihii ayaa shaqada laga eryey howl wadeenno gaarsiisan 4 700, markaa waa heer isu dhigma, sida ay sheegtay madaxa laanta saadaalinta ee xafiiska shaqada Annika Sundén.

Ma laga yaabaa inay sidan ku sii socoto?

– Waa arrin adag in la saadaaliyo. Miisaaniyadda ay dawladdu ku taageertay shirkaduhu sidii ey shaqaalaha ku sii haysan kari lahaayeen ayaannu fileeynaa inay saameeyn ku yeelato, balse sida ay ku dambeeyn doonto ma jirto cid garanaysa.

Laga bilaabo 15-kii bishii maarso ayaa dad tiradoodu gaarsiisan tahay 4 700 lagu war geliyey iney halis ugu jiraan shaqadooda iney waayaan, sida tirakoob hor dhac ah lagu sheegay, dadkaasina oo badankood ey ka howlgalaan hoteellada iyo maqaayadaha Stockholm. Waana tiro ka badan tirakoobkii maarso 2019 ee toddobaad gudihii.

War laga soo xigtay ururka shaqaalaha huteellada iyo maqaaxiyada in illaa iminka lagu soo war geliyey illaa iminka 6 000 oo shaqadooda waayi doona, qaar kalana dhabbada ku soo jiraan, sida ay sheegtay guddoomiyaha ururka Malin Ackholt.

– Waxaan ogsoonnahey iney 4 000 oo kale dhabbada ku soo jiraan, sidoo kale waxaa shaqooyinkoodii shaqaaleeynta dheeriga ahayd extraanställningar ku waayay 10 000 oo aan saacado dheeri ah la siin.

Qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha lagu war geliyey iney shaqadooda ku waayi doonaan ayaan dhanka kale laga dhabeeyn doonin tallaabooyinkaasi, kadib wadahadalka garabyada shaqaalaha. Iyadoona intii u dhaxeeysay 1985 iyo 2009 shantii qof ee shaqada laga ereyba mid ayaa ka dhaboobey sannadihii dhaqaale darridda ee 2008-2009 shantiiba laba ayaa shaqa la’aan ka noqday, sida laga soo xigtay xafiiska shaqada.

– Waxaanse u maleeyn in qaar badan oo shaqada laga erey sannadka iney dhaboobi doonaan, sida ay sheegtay Malin Ackholt.

Halka ay Annika Sundén-ta xafiiska shaqadu sheegtay in dadka khibradda u leh shaqada ey uga sahlan tahay iney shaqo kale helaan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here