Home Wararka Maanta Wadamada Midowga Yurub (EU) oo ku dhawaaqay Xiritaanka Xuduudaha Mudo bil ah

Wadamada Midowga Yurub (EU) oo ku dhawaaqay Xiritaanka Xuduudaha Mudo bil ah

0

Hoggaamiyeyaasha waddamada ku midoobey ururka EU ayaa kulan ey ku yeesheen khadka telefoonka waxey 19:45 fiidnimadii salaasadii go’aan loo dhan yahay ku gaareen in muddo 30 maalmood ah la xayiro safarrada lagu imaneyo EU.

Xayiraaddan ayaa saameeyneeysa socotada aan aheyn muwaadiniinta EU, sida uu shir jaraa’id kaga dhawaaqay wasiirka arrimmaha gudaha Sweden Mikael Damberg oo go’aankaa dabadii shir jaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada.

-Waxay ka dhigan tahay inuu go’aankani hir geli doono 19-ka bisha maarso, oo ku beegan khamiista berito. Waa go’aan xaalad gaar ah, oo socon doona 30-ka maalmood ee soo socda, isla markaana aan loo baahneyn inuu qaato muddo ka badan inta loo baahan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Go’aankan ayay isniintii dorraad soo ban dhigtay hoggaamiyaha, hoggaanka sare ee ururka Miodwga Yurub Ursula von der Leyen.

Go’aankan xayiraadda ayaan qaban doonin muwaadiniinta reer Sweden iyo dadka deggenaansha dalka ku leh, dadka ku yimaada safarrada aan laga maarmin, dadka uu dalku u baahan yahay, shaqaalaha gaadiidka ganacsiga ee waddammada EU isaga goosha iyo sidoo kale iyo sfarrada kale ee aan laga maarmin, sida uu sheegay Mikael Damberg.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here