Home Wararka Maanta Rai’sal Wasaaraha Sweden iyo Boqorka Dalka oo wadajir ula Hadlay Dadweynaha Sweden

Rai’sal Wasaaraha Sweden iyo Boqorka Dalka oo wadajir ula Hadlay Dadweynaha Sweden

0

Waxaa goor dhow si wadajir ah ula hadlay bulshada Sweden ra’iisal wasaaraha xukuumada Sweden iyo boqorka dalka iyada oo oo labadda hoggaamiya ku baaqay midnimo iyo naxariis in la isku muujiyo xilligan adage e lagu jiro ee uu keenay caabuqa Corona Virus.

Boqor Carl Gustav ayaa sheegay in qoyskiisa ay raacayaan tallooyinka kaimaanaya hay’adda safka hore ugu jira xakameynta faafida Corona, waxaa kale oo uu sheegay in qof walba laga doonayo in ay sammeyso wax walba oo sahlaya in la is caawiyo, isaga oo carabka ku adkeeyay in mas’uuliyada dadka saran tahay wadajir muujinaya itaalka Sweden.

Dhanka kale ra’iisal wasaare Stefan Löfven oo isna ka hadlay aqalka boqortooyada ayaa sheegay in cudurka Corona uu yahay mid u imtixaanaya Sweden dal ahaan, dad ahaan waxuuna sheegay in ay jiraan dad badan oo u wel welsan noloshooda, dad ay jecel yihiin ama sida bulshada u maareyn doonto cudurkan.

Xaalada Corona ayaa ah mid Dalka ka taagan waxaana la xiray badi goobaha bulshada iyadoo la filayo in Sharciyo kale soo baxaan hadii Cudurka uu noqdo mid saameen leh.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here