Home Wararka Maanta Xaafada Hjulsta oo labo qof lagu dhaawacay, Tensta oo Sidoo kale Rasaas...

Xaafada Hjulsta oo labo qof lagu dhaawacay, Tensta oo Sidoo kale Rasaas laga maqlay

0
Photo/TT

ku dhawaad afar goobood oo Caasimada Stockholm ayaa xalay laga maqlay rasaas kala duwan sida uu booliska saaka saaciday waxana qaarkood ka dhashay waxyeelo.

Xaafada Hjulsta rasaas laga maqlay waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 2 Qof kuwaasi oo hada dhaawacyadooda lagu dabiibayo isbitaalka.

Sidoo kale isla Xalay Abaaro 8 Fiidnimo rasaas ayaa laga maqlay Xaafada Tensta halkaasi oo booliska gaareen isla markana xireen goobta rasaasta laga maqlay inkastoo qofna waxba ku noqon.

Labada Meel ee kale ee xalay laga maqlay rasaasta waxaa kamid ah Hägersten iyo Bredäng waxana booliska ay intaasi ku dareen in ay wadaan baaritaan ku aadan toogashooyinka dhacay iyo waxa ka dhaxeeya.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here