Home Wararka Maanta Wiil Somali ah oo Xaaskiisa ku dilay Dalka Mareykanka.

Wiil Somali ah oo Xaaskiisa ku dilay Dalka Mareykanka.

0

Dalka Mareykanka, nin Soomaali ah ayaa lagu xiray Kentucky ee gobolka Arkansas, kaddib markii uu dilay xaaskiisa, sida lagu shaaciyay wargayska WFIE.

Booliska ayaa sheegay in Maxamuud Cabdiqaadir, oo 21 jir ah ay qabteen maalintii Sabtida ahayd.

Ka dib markii ay su’aalo weydiiyeen waxa uu Cabdiqaadir ku jawaabay in xaaskiisa laga yaabo inay tahay mayd ayna taallo gurigooda.

Booliska Henderson ayaa tagay guriga qoyskan ay daganaayeen oo ku yaalla magaalada Kentucky, waxa ayna heleen maydka xaaskiisa oo ku jira qaanad gudaheeda.

Cabdiqaadir ayaa lagu riday xukun ka dib markii lagu helay caddaymo ku saabsan inuu gabadha soo gaarsiiyey dhaawacyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here