Home News in English Wiil Somali ah oo Walaalkiisa ku dilay Magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka

Wiil Somali ah oo Walaalkiisa ku dilay Magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka

0

Magaalada Columbus gobolka Ohio ee dalka Mareykanka waxaa ka dhacay dil dadka Soomaaliyeed si weyn uga argagaxeen,kaddib markii wiil dhallinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya halkaasi ku dilay wiil la dhashay.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa tabisay in wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Sakariya Hirad oo 20 jir mindi ku dilay walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabayay Mohamed Jirad oo isna 22-sano jir ahaa.

Ciidamada booliiska Magaalada Columbus ayaa xabsiga dhigay wiilka Soomaaliyeed ee dilka geestay , lamana oga ilaa hada sababta keentay dilka wiilkan Soomaaliyeed u geestay walaalkiis ka weyn.

Dalka Mareykanka magaalooyin kuyaalla waxaa ka dhaca mararka qaar dilal ay isku geestaan dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana dilkan cusub ee ka dhacay magaalada Columbus walaac ka abuuray waalidiinta Soomaaliyeed ee Mareykanka kunool.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here