Home News in English Booliska Sweden oo loogu baaqay Xalinta Sugitaanka dheer ee Basaboorka

Booliska Sweden oo loogu baaqay Xalinta Sugitaanka dheer ee Basaboorka

0

Xafiiska wakiilka cadaalada ee Örebro ayaa warbixino dhowr ah ka helay muwaadiniinta oo ku saabsan dib u dhaca ku yimid bixinta ama cusboonaysiinta baasaboorka.

Waxaana la gudbiyay 20 cabasho oo wadajir ah, taasoo ay ugu wacan tahay sugitaan dheer oo lagu heli lahaa baasaboorka.

“Ma fahmi karo in aad sugto ilaa lix bilood si aad u hesho baasaboor,” ayuu yiri Johan Spector, oo ka mid ah dadka dacwadda u gudbiyay xafiiska dhexdhexaadiyaha.

Dabayaaqadii bishii Febaraayo ayaa TV-ga Sweden waxa uu sheegay in waqtiyada sugitaanka ee gobolka ay aad u dheer yihiin, sidoo kale booliska ayaa boggooda ku qoray in meelaha qaar ay ka jiraan waqtiyo sugitaan oo aad u dheer.

Mana ahan Örebro oo kaliya, laakiin saldhigyo badan oo baasabooro ah ayaa cadaadis ba’an laga dareemayaa safafka loo galayo awgeed.

Ombudsman-ka ayaa ugu baaqay booliska inay Xaliyaan dhibaatada ka tagaan Arimaha dhanka Basaboorka.

Mats Uhmann, oo ah afhayeenka warbaahinta booliska, ayaa sheegay in aysan waligood cadaadis la mid ah cadaadiskan aysan la kulmin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here