Home News in English Wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu toogtay Magaalada Malmö

Wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu toogtay Magaalada Malmö

0

Fiidnimadii khamiistii xalay ayaa toogasho lagu dilay magaalada Malmö wiil da’diisu ahayd labaatameeyo.

Abbaaraa sahntii galabnimo waxaa ciidanka ammaanka ka soo gaartay qaylo dhaan nawaaxiga Segevång halkaasina oo uu ka dhacay fal dambiyeed culus.

Kolkii uu ciidanka ammaanku goobta tagay ayuu kula kulmay maydka wiil labaatameeyo jir ah oo toogasho lagu diley.

– Haa, waa xaqiiq , sida ay sheegtay Evelina Olsson, ahna af hayeenka ciidanka ammaanka.

Qaraabadii wiilka ayaa lala socodsiiyay iyadoona la bilaabay baaris la xiriirta dil. Ciidanka ammaanka ayaa ku howlan albaab garaacid iyo markhaati doonis.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here