Home Wararka Maanta Weeraro waaweyn oo lagu qaaday Norwey kuwaasi oo lagu jabsaday Xogta Barlamaanka

Weeraro waaweyn oo lagu qaaday Norwey kuwaasi oo lagu jabsaday Xogta Barlamaanka

0
Photo/stortinget

Weeraro waaweyn oo lagu qaaday Norwey kuwaasi oo lagu jabsaday xogo muhiim ah sida ay sheegeen qeybta Sirdoonka ee Dalka

Jilayaal Ruush ah ayaa ka dambeeyay jebinta xogta weyn ee baarlamaanka Norway sedex bilood ka hor, waaxda sirdoonka Norway ee PST ayaa sheegtay kadib markii ay baaritaan ku sameysay arinta.

Weerarka ayaa qeyb ka ahaa dadaal balaaran oo looga soo horjeeday in kabadan toban howlgalo Norway ah, sida uu sheegay NRK.

– Wixii aan aragnay waxaa looga soo horjeeda Barlamaanka Storting-ka, waxaan kaloo aragnay in laga fuliyay hawlo badan kuwa dawladeed iyo kuwo gaar loo leeyahayba, ayay Hanne Blomberg oo ka tirsan PST ku tidhi NRK.

Blomberg ayaa tiri “qaarkood” waxay muhiimad weyn ugu fadhiyaan dalka.

Sirdoonka waxay ogaadeen in labo koox oo lagu kala magacaabo APT28 iyo Fancy Bear ay fuliyeen weerarka. Waxaa la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin sirdoonka militariga Ruushka ee GRU. (TT)

Somaliska Oslo

Xigasho/NRK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here