Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay Cunsurinimo lagula kacay Ciyaaryahan Muslim Madow ah

Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay Cunsurinimo lagula kacay Ciyaaryahan Muslim Madow ah

0

Madaxweynaha Turkey-ga Recep Tayyip Erdoğan Ayaa Si Kulul Uga Hadlay Dhacadadii Cunsurinimo Ee Hadhaysay Kulankii PSG & Istanbul Basaksehir laguna cunsuriyeeyay qayb ka mid ah kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir.

Xilli ciyaartu socotay daqiiqadii 25-aad ayuu Garsooraha 4-aad ee ciyaartu hadal cunsurinimo ah ku yidhi caawiyaha kooxda Istanbul Basaksehir ka hor intii uuna cunsuriyayn kuna tilmaamin “ciyaartoy Madaw” xiddiga muslim-ka ah ee Demba Ba.

Arintaas ayaa keentay in ay xiddigaha Labada kooxood go’aamiyaan in ay gabi ahaan ka baxaan ciyaarta sidaasna lagu joojiyay kulanka oo aan ilaa haatan la go’aamin waxa dhici doona.

Kadib dhacdadaas madaxweynaha dalka Turkey-ga ayaa fariin uu si kulul uga hadlay dhacdadaas ku soo qoray bogiisa Twitter-ka uu ku leeyahay.

Madaxweynaha Turkey-ga Recep Tayyip Erdoğan ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Waxaan si adag u cambaareynayaa hadaladii cunsuriyada ahaa ee lagula kacay Pierre Webo oo ka mid ah shaqaalaha tababarka kooxda Başakşehir, waxaan aaminsanahay in talaabooyinka lagama maarmaan ah ay qaadi doonto UEFA”.

“Waxaan si shuruud la’aan ah uga soo horjeednaa cunsuriyadda iyo takoorka Ciyaaraha kala duwan iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Nolosha”.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here