Home Wararka Maanta Weerar Tooray loo adeegsaday oo ka dhacay Iskuul ku yaalla Sweden

Weerar Tooray loo adeegsaday oo ka dhacay Iskuul ku yaalla Sweden

0
Photo: Johan Nilsson / TT

Weerar loo adeegsaday tooray ayaa ka dhacay iskuul ku yaalla Eslöv oo ka tirsan Skåne.

Weerarka ayaa lagu dhaawacay Mid kamid ah Shaqaalaha ka tirsan iskuulka oo da’diisa lagu sheegay 45 sano jir.

Sida uu sheegay afayeen u hadlay booliska marka uu weerarka dhacay kadib ayaa la xiray wiil dhaliyaro ah oo 15 sano jir kaasi oo looga shakisanyahay in uu weerarka ka danbeeyay.

Dhismaha iskuulka oo ahaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa la xiray. Ma jiro arday wax ku noqday, dawladda hoose ee Eslöv ayaa ku qortay boggeeda internetka, halkaas oo farriin ku saabsan weerarka lagu daabacay 8:41 AM. 

Booliska iyo gurmadka ayaa durbadiiba goobta gaaray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here