Home News in English Weerar lagu qaaday Warshada Nukliyeerka ee Ukraine oo Cabsi ku abuurtay Yurub

Weerar lagu qaaday Warshada Nukliyeerka ee Ukraine oo Cabsi ku abuurtay Yurub

0
Photo/Zaporizhzhya NPP via EPA-EFE

Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay warshadda quwada ee ugu weyn qaaradda Yurub, kaddib markii weerar lagu qaaday xaruntaasi, taasoo keentay in caalamka oo dhan laga baqo in uu musiibo Nukliyeer ah ka dhacdo yurub.

Dabdamiska Ukraine ayaa damiyay dab halkaasi ka qarxay, mana jirin wax shucaac ah oo laga sii daayay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Ukraine.

Kadib weerarkii lagu qaaday warshada Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee koonfurta bari ee magaalada Enerdohar jimcihii, madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Tamarta Nukliyeerka, Rafael Mariano Grossi, ayaa sheegay in Ruushku uu garaacay qeybta tababar ee Xaruunta lakin ay badbaadeen lix oo goobood oo ku keydsan shucaawa nukliyeerka.

Weerarku waxa uu kiciyay qaylo dhaan caalami ah iyo cabsi laga qabo in ay dhacdo musiibadii ugu xumayd ee nukliyeerka .

Khudbad qiiro leh uu jeediayy madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy waxa uu sheegay in uu ka baqayo in qarax uu u noqdo “dhammaadka qof walba oo ku nool Yurub iyo Qaxitaanka Yurub”.

Laakiin saraakiisha nukliyeerka ee Sweden iyo Shiinaha ayaa sheegay in aan la soo sheegin wax shucaac ah, si la mid ah Grossi.

Maamulka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay la wareegeen guud ahaan goobta balse shaqaalaha warshada ayaa sii waday in ay maamulaan. Hal reactor oo kaliya ayaa shaqaynayey, boqolkiiba 60 awoodda, Grossi wuxuu yiri weerarka ka dib.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here