Home Wararka Caalamka UK: Sweden waxaan ka Caawineynaa dhanka Ciidanka Hadii ay la kulmaan Weerar...

UK: Sweden waxaan ka Caawineynaa dhanka Ciidanka Hadii ay la kulmaan Weerar Ruushka ah

0
Foto: Johan Nilsson / TT

 Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Ben Wallace ayaa sheegay in Sweden ay ku xisaabtami karto caawinta Boqortooyada Ingiriiska haddii ay la kulmaan falalka gardarada ah ee Ruushka. “Waa fariin cajiib ah oo ka timid Britain , waana ku faraxsanahay,” ayuu yiri wasiirka difaaca Sweden Peter Hlotqvist .

“Waxay noqon doontaa wax aan la fahmi karin in UK aysan caawinayn Sweden haddii uu soo weeraro Ruushka,” Wallace ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu kula yeeshay Copenhagen dhiggiisa Sweden iyo Denmark, Morten Podskov .

Waxaan garab taaganahay Sweden oo aan u sameyneynaa wax walba oo aan ku caawin karno, ciidan ahaan iyo siyaabo kaleba.”

” Sweden waxay ilaa labaatan heshiis oo dheeraad ah la gashay dalal kale oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Maraykanka, iskaashiga gaashaandhigga NATO ,” ayuu raaciyay.

Waxaan sii xoojineynaa iskaashiga aan la leenahay NATO. Waxa aanu isku daynay in aanu wada shaqayn dhanka amniga ah ka dhisno qaybtayada Yurub iyo kuwa kale, haddii qof lagu soo weeraro gobolkayagana dhammaanteen way ina saamaysay.”

Wasiirada difaaca ee saddexda dal ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark, iyagoo ka hadlay dhoolatuska loo qorsheeyay ciidamada falcelinta degdega ah ee uu hogaaminayo Britain.

Wasiirka difaaca Denmark Morten Bedskov ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqyada iyo howlgalada ay qeyb ka yihiin weerarada NATO ee ka dhanka ah Ruushka iyo Madaxweyne Vladimir Putin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here