“Waxaan ku Jirnaa Xaalada ugu Xumeyd tan iyo Dagaalka Labaad ee Adduunka” Raisal Wasaaraha Sweden oo sheegay sidaasi

Foto: Stefan Jerrevång / TT

Raisal Wasaaraha Sweden ayaa Sheegay in Dalkiisa uu jiro Xaalada ugu Adkeyd tan iyo Dagaalka Labaad ee Adduunka.

Ulf Kristersson ayaa Sheegay in Sweden Qasab ku tahay ku biirida NATO marka la eego Xaalada Adag ee Xiligan ka taagan Dunida.

Raisal Wasaaraha ayaa Shir Jaraa’id la qabtay Wasiirka arrimaha Finland kaasi oo Sheegay in Dallkiisa uu ku biirayo Nato iyadoo la Socon Dalka Sweden oo Culeysyo heestaan.

Dowlada Sweden ayaa Caro ka abuurtay Dunida Islamka markii ay ogolaatay in Quraanka Kariimka lagu gobo Albaabka hore ee Safaarada Turkiga ku leedahay Dalka Sweden.

Go’anka ayaana ahaa mid Dowlada Sweden raali ka aheyd isla markana lagu kicinayay Dareenka Shacuubta islaamka.

Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*