Home Wararka Maanta Wasiirada Waxbarashada Sweden ” Iskuulada Sare Waxaa dhici karta in lagu barto...

Wasiirada Waxbarashada Sweden ” Iskuulada Sare Waxaa dhici karta in lagu barto Habka fogaanta (distans)

0

Wasiirada Waxbarashada Dalka Sweden Anna Ekström. oo qabatay shir jaraa’id ayaa sheegtay in ay dhici karto in dib loogu laabto habka waxbarashada fogaanta ee ardayda ku dhigtaan Datada iyagoo ku sugan guryahooda taasi oo keentay halista Corona oo wali taagan iyo wadamada qaar oo dib ugu soo laabtay sida muuqata.

” Xaalada mid halis ah waxay noqon kartaa sidii hore lakin waxay ku soo laabandoontaa sida caadiga aheyd ayay tiri wasiirada oo shir jaraa’id qabatay.

Shalay ayaa dib loo bilaabay iskuulada Waxbarashada Dalka Sweden waxana Dowlada ay codsatay in habka waxbarashada wax laga badalo iyadoo ay jirto in ardayda iyo macalimiinta ay sida caadiga ku bilaabeen waxbarashada.

” anaga ma xireeno iskuulada lakin waxaa la soconeenaa sida xaalada Corona ee wadanka uu noqdo iyo sida Hay’ada Caafimaadka ugu soo talal bixiso arinkan.

Faafitaanka Corona ee Sweden ayaa aad hoos uga dhacay sidii hore lakin dib u furitaanka wadanka ayaa laga cabsi qabaa in Corona uu dib u soo laabto.

Foto: Pontus Lundahl / TT

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here