Wasiir ka tirsan Germalka oo diiday Qaadashada talaalka AstraZeneca

Photo: AP Photo / Markus Schreiber, Pool

Jarmalka ayaa dib u bilaabay isticmaalka talaalka AstraZeneca coronavirus ee dadka waayeelka ah. Laakiin wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Horst Seehofer ayaa diiday inuu qaato tallaalka.

wasiirka ayaa diiday codsiga wasiirka caafimaadka Jens Spahn, oo horaantii toddobaadkan ka codsaday dhammaan xubnaha dawladda ee ka weyn da’da 60 jir inay qaataan tallaalka, sida uu qoray wargayska Bild.

Jawaabta codsigii Jens Spahn waa: Maya, ”ayuu Seehofer u sheegay wargeyska.

Jarmalka ayaa kamid ah wadamada dib u bilaabay isticmaalka talaalka AstraZeneca. Talaalka lama siinayo dadka kayar 60 sano.

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.