Home Wararka Maanta Wasaarada Arimaha Dibada Sweden oo War kasoo saartay Safarada Midowga Yurub ee...

Wasaarada Arimaha Dibada Sweden oo War kasoo saartay Safarada Midowga Yurub ee Xiliga Ciida

0
Foto/TT

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Sweden ayaa xaqiijisay in aysan jirin wax mamnuuc ah oo dadka Iswiidhishka ah u diidaya u socdaalida waddamada Midowga Yurub inta lagu guda jiro ciidaha Kirismaska iyo Sannadka Cusub.

Wasiirka arimaha dibada ee Sweden Ann Linde ayaa u sheegtay idaacada Ekot “ma haboona in wasaarada arimaha dibada ee Sweden ay ka weeciso dadka iswiidhishka ah “.safarka ay ku tagayaan Yurub inta lagu guda jiro ciida kirismaska iyo sanadka cusub.

Waxay ugu baaqday qof walba inuu xil iska saaro, iyadoo leh, “Qof kasta oo bani’aadam ah waa inuu qaadaa masuuliyad weyn oo shaqsiyadeed. Socdaalku dhib maahan, laakiin haddii aad wax badan dhexgasho bulshada, haddii aadan ka fogaanayn haddii aadan gacmaha iska dhaqin kaligaa, iyo wixii la mid ah waa dhibaato.

Waqtigaan la joogo, Wasaarada Arimaha Dibada waxay kaliya ka talineysaa safarka midowga Yurub ee Estonia, Latvia iyo Ireland. Taladani waxay soconaysaa illaa iyo Diseembar 16, markaasoo talooyin cusub lagu dabaqi doono.

Wasiirda ayaa tilmaamtay in xitaa talooyinka cusub ee soo socda, aan xayiraad lagu soo rogi doonin safarka Midowga Yurub.

Weli waxaan u maleynayaa inay tahay inaan si taxaddar leh uga fikirno haddii aan go’aansanno safarka, taasi run ahaantii waa lamahuraan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here