Home Wararka Caalamka Wariye ka tirsanaa TV-ga News 13 iyo Gabar yar oo lagu toogtay...

Wariye ka tirsanaa TV-ga News 13 iyo Gabar yar oo lagu toogtay Magaalada Florida

0
Foto: Jae C. Hong / AP / NTB

Wariye ka tirsan TV-ga iyo gabar sagaal jir ah ayaa lagu dilay magaalada Orlando ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen booliska gobolka Mareykanka.

Sidoo kale, Hooyada dhashay Gabadha iyo saaxiib ay wada shaqeynayeen weriyaha Spectrum News 13 ayaa lagu dhaawacay shilkaasi galabnimadii Arbacada.

Afarta qof ayaa ku dhawaa goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay oo isla maanta lagu toogtay haweeney.

Nin 19 jir ah ayaa la xiray, kaas oo looga shakisan yahay labada shil ee toogashada ah, ayuu Sheriff County Orange ka sheegay shir jaraa’id fiidnimadii Arbacada waqtiga maxalliga ah.

Mina ayaa sheegtay in ilaa hadda aysan boolisku waxba ka ogeyn sababta keentay toogashada.

Toogashada ugu horeysay ayaa dhacday subaxnimadii Arbacada. Booliska ayaa markaas u dhaqaaqay degaanka Pine Hills oo waqooyi galbeed ka xiga magaalada Orlando ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in haweeney 20 jir ah la toogtay.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, nin ayaa u soo dhawaaday gaariga ay wateen labada weriye, xilli ay goobta ku sugnaayeen gelinkii dambe ee Arbacadii. Halkaa ayuu rasaas ku furay kadibna waxa uu aaday guri ka ag dhawaa oo uu ku toogtay gabadha iyo hooyadeed sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

19-jirkan waxa uu haystaa diiwaan ka kooban dembiyo hub, rabshado halis ah, weerar hub wax dila ah, tuugo iyo xatooyo daran. Hadda waxaa lagu soo oogay dacwad dil ah dilkii ugu horreeyay Arbacadii, sidoo kale booliisku waxa ay dacwad ku soo oogi doonaan afarta dhibane ee kale ee kiiska, ayay tiri Mina.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here