Home Wararka Caalamka Wararkii Ugu danbeeyey Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay suuq...

Wararkii Ugu danbeeyey Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay suuq ku yaalla Ukraine

0

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay weerar duqeyn ah oo ka dhacay magaalada Donetsk ee Ruushka uu haysto, sida uu sheegay hogaamiyaha gobolka ee Moscow soo magacawday.

Denis Pushilin ayaa sheegay in duqeynta Ukraine, oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 20 qof, ay lala beegsaday suuq mashquul ah, waxaana laga yaabaa in tirada khasaaraha ay intaa ka sii badato.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa weerarka ku tilmaantay mid argagaxiso oo waxashnimo ah oo lala beegsaday dad rayid ah.

Ilaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ukraine oo ku aadan dhacdadan.

Mr Pushilin ayaa sheegay in duqeynta “arxan darada” ay dhacday markii suuqa uu ahaa midkii ugu mashquulka badnaa.

Sawirro ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa u muuqday kuwo muujinaya dukaanno burburay, iyo sidoo kale meydad daadsan waddada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here