Home Wararka Caalamka Wararkii ugu Danbeeyey Gantaalo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lagu weeraray Israel

Wararkii ugu Danbeeyey Gantaalo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lagu weeraray Israel

0

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen weerar gantaallo ah oo lagu qaaday magaalada Safed ee waqooyiga Israa’iil.

Telefishinka Channel 12 ee dalka Israel ayaa sheegay in mayd laga helay intii lagu guda jiray baaritaanka dhismo uu waxyeello u geystay gantaal kaasoo ku yaalla degaanka Safed.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in saldhig ku yaalla waqooyiga Israa’iil lagu beegsaday gantaallo laga soo tuuray Lubnaan, iyadoo aan la cayimin magaalada. Ciidamada Cirka ee Israel ayaa ku jawaabay “weerar aar gudasho ah oo ka dhacay Lubnaan.

Ururka Xisbullah, oo ah koox hubaysan oo Iran taageerto, isla markaana ah ciidamada gobolka ayaan sheegan weerarka.

Is-dhaafsiga madaafiicdan ayaa u dhexeeya Israel iyo Xisbullah oo ay Iran taageerto , iyo sidoo kale kooxaha kale ee ka hawlgala koonfurta Lubnaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here