Home Wararka Caalamka Israa’iil oo weerar ballaaran oo aargudasho ah ku qaadday Lubnaan

Israa’iil oo weerar ballaaran oo aargudasho ah ku qaadday Lubnaan

0

Israa’iil ayaa “weerar ballaaran” ku qaaday Lubnaan ka dib markii qof dumar ah lagu dilay qaar kalena lagu dhaawacay weerar gantaal oo lagu qaaday waqooyiga Israa’iil.

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in tuulooyin la duqeeyay, dhismayaalna ay gubteen.

Ururka Xisbullah oo loo malaynayo in ay weerarka ku qaadeen Israa’iil ayaan weli sheegan.

Labada dhinac ayaa rasaas joogta ah isku waydaarsanayey xadka waqooyi ee Israel tan iyo weeraradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas.

“Diyaarado dagaal ayaa bilaabay mowjado weeraro ah oo ka dhacay dhulka Lubnaan,” afhayeenka ciidamada difaaca Israel (IDF), Daniel Hagari, ayaa ku qoray X (oo hore u ahaan jirtay Twitter) Arbacadii.

Hagari ayaa sheegay in IDF ay faah faahin dheeraad ah ka bixin doonto duqeymihii ugu dambeeyay ee dhanka cirka ah saacadaha soo socda.

Weerarkan oo ka dhacay Lubnaan waqooyiga Israa’iil ayaa lagu weeraray deegaanka Safed, waxaana lala beegsaday xarunta taliska ciidamada Israa’iil ee waqooyiga, sida ay sheegtay IDF.

Muuqaal ayaa muujinaya mid ka mid ah gantaallada oo ku dhacayay meel u dhow albaabka isbitaalka.

Xisbullah waa urur Muslim Shiico ah – waa mid ka mid ah ciidamada ugu hubka culus, ee aan dawliga ahayn ee caalamka.

Waxaa la aas aasay horraantii 1980-meeyadii waxaana aasaastay quwadda Shiicada ee gobolka ugu awoodda badan, Iiraan, si ay uga hortimaado Israa’iil.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here