Home Wararka Caalamka Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Ruushka ee Ukraine 3 May

Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Ruushka ee Ukraine 3 May

0

Kuwani waa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee la xidhiidha dagaalka Ukraine Talaado, May 3.

* Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa maanta khudbad ka jeedin doona kulanka Baarlamaanka Qaranka ee Ukraine isagoo adeegsan doona xiriiriyaha muuqaalka. Waxa kale oo uu ku dhawaaqi doonaa kaalmo ciidan oo dheeraad ah oo qiimaheedu dhan yahay 3,5 bilyan oo koron.

* Daad-gureynta dadka rayidka ah ee ku nool magaalada dekadda leh ee lagu go’doomiyey ee Mariupol ayaa sidoo kale maanta la qaadi doonaa, sida uu sheegay golaha deegaanka. Daad-gureyntan qorsheysan ayaa waxaa iska kaashanaya QM iyo Laanqeyrta Cas. Shalay, qiyaastii 100 qof oo rayid ah ayaa laga daadgureeyay Mariupol.

* Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyj ayaa khudbadiisa maalinlaha ah ee muuqaalka ah ku sheegay in Ruushka uu iloobay wax kasta oo ay ka barteen dagaalkii labaad ee adduunka. Hadalkan ayaa jawaab celin u ah wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, kaas oo Axadii sheegay, waxyaabo kale, in Adolf Hitler uu asal ahaan ka soo jeedo Yuhuuda. Lavrov ayaa waxaa cambaareeyay Israa’iil, Ukraine iyo Mareykanka eedeymaha ka dib.

*Ruushku waxa uu si buuxda ula wareegay intarneetka gobolka Kherson ee Yukreeniya,cawaaqib xumada ka dhalan kartana waxa ka mid ah xeerinta shabakadaha Ruushka,ilaalinta iyo faafreebka,sida uu qabo adeega NetBlocks oo fadhigiisu yahay London,kaas oo isha ku haya isku xidhka internet ka aduunka oo dhan.

*Ruushka ayaa qorsheynaya in uu ku daro labada gobol ee bariga Yukreeniyaan ee Donetsk iyo Luhansk dhawaan,sida uu sheegay Michael Carpenter oo ah danjiraha Maraykanka u fadhiya Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub (OSCE).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here