Home Wararka Caalamka Turkiga oo ku dhawaaqay inuu bilaabayo Mashruuc lagu Celinayo Qaxooti Dalkiisa ku...

Turkiga oo ku dhawaaqay inuu bilaabayo Mashruuc lagu Celinayo Qaxooti Dalkiisa ku sugan

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay in dowladdiisu ay diyaarinayso mashruuc lagu dammaanad qaadayo dib u celinta ku dhawaad ​​hal milyan oo qaxooti ah oo ku sugan Suuriya .

Waxa uu sidoo kale sharaxay in dowladiisa ay “ku guda jirto diyaarinta mashruuc cusub oo dammaanad qaadaya soo noqoshada ikhtiyaari ah ee hal milyan oo Suuriyaan ah oo ay taageerayaan hay’adaha bulshada rayidka ah ee Turkiga iyo caalamka,” sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah maanta, Talaadada.

Waxa uu tilmaamay in “mashruucan uu bixin doono dhammaan baahiyaha lagama maarmaanka u ah nolol hufan 13 goobood oo ku yaalla waqooyiga Suuriya, sida Azaz, Jarabulus, al-Bab iyo Tal Abyad.”

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in ilaa 500,000 oo Suuriyaan ah ay dib ugu laabteen goobo nabdoon oo ku yaalla waqooyiga Suuriya tan iyo 2016-kii.

Waxaa xusid mudan in Turkiga uu martigeliyay, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, qiyaastii 3.6 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah ayaa diiwaangashan, iyo 320,000 oo jinsiyado kale ah.

Si kastaba ha ahaatee, mudooyinkan danbe waxaa la arkayay dhowr dhacdo oo lagu tilmaamay inay yihiin cunsuriyad ka dhan ah dadka reer Suuriya, iyadoo ay jirto shaqo la’aanta dalkaasi ka jirta iyo xaaladaha dhaqaale ee sii xumaanaya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here