Home Wararka Caalamka War Hada Ah: Sacuudiga oo ku dhawaaqay in bari tahay Maalin Soon

War Hada Ah: Sacuudiga oo ku dhawaaqay in bari tahay Maalin Soon

0

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in beri oo sabti ah ay noqoneyso maalinta koobaad ee bisha barakeesan ee Ramadaan , kaddib markii magaalooyin kamid ah Sacuudiga laga arkay bisha.

Guddiga culimada ee u qaabilsan Boqortootada Sacuudiga xaqiijinta bisha Ramadaan ayaa shaaciyay in beri ay tahay Soon ayna caawa bilaabaneyso dukashada salaada taraawiixda.

Qaar kamid ah waddamada caalamka ayaa beri laga soomi doonaa, waxaana waddamada qaar wali wadaan xaqiijinta in beri ay u tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan.

Sweden ayaa kamid ah meelaha dadka Somaliyda iyo Muslimiinta ku noolyihiin oo bari laga soomayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here