Home News in English Jimmie Åkesson ” Qaxootiga Ukraine Diinta iyo Dhaqanka ayaa naga Dhaxeeya

Jimmie Åkesson ” Qaxootiga Ukraine Diinta iyo Dhaqanka ayaa naga Dhaxeeya

0

Dagaal afka ah ayaa shalay ka dhex qarxay wasiirka isdhexgalka iyo soo galootiga Anders Egman iyo madaxa xisbiga Sverigedemokraterna (SD) Jimmy Okesson . Eggman waxa uu Jimmy ku eedeeyay in uu u kala saarayo qaxootiga diinta iyo midabka maqaarka, isagoo ku jawaabay, “Tani waa marin habaabin, qofna kama hadlin midabka maqaarka.”

Okeson waxa uu shalay ku qoray wargeyska Aftonbladet maqaal uu ciwaan uga dhigay “Waxa jira farqi u dhexeeya qaxootiga Muslinka iyo qaxootiga Ukraine” gaar ahaan dhanka diintakaas oo uu ku sharaxay sababta xisbigiisu u soo dhaweeyay qaxoontiga Ukraine inkasta oo uu si weyn uga soo horjeeday qaabilaadda dadka kale.

KiKiristanka oo leh dhaqan si dhow ula xiriira dhaqankeena, marka loo eego, tusaale ahaan, bulshooyinka qabaa’ilka ee Geeska Afrika.”

Waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Qaxootiga ka soo qaxay dalka Ukrain oo ilaa hadda u badan dumar iyo caruur, way ka duwan yihiin mowjadihii hore ee magangelyada, kuwaas oo u badnaa rag Muslimiin ah oo ujeedadooda ugu weyni ahayd dhiirigelin dhaqaale. Waa muhaajiriin “xirfadle ah” 

Dhanka barnaamijka Aktuelt ee SVT, Okesson wuxuu difaacay maqaalkiisa, isagoo yiri, “Siyaasadda xisbiga Sverigedemokraterna ee ku aaddan arrimaha qaxootiga waxay mar walba ku xiran tahay sidii loo caawin lahaa dadka ku dhow dhow Dalka.

“Waagii hore, dadku waxay uga gudbi jireen waddan ilaa waddan kale. Ma raadinayaan waddankii ugu horreeyay ee badbaado leh, laakiin sabab awgeed, Iswidhan. Waa inaan loo tixgalin qaxooti marka laga soo gudbayo Danmark una socdo Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here