Home Wararka Maanta War hada AH:- försakringskassan oo kordhisay Mudada la qaadanayo Lacagta Jirada ee...

War hada AH:- försakringskassan oo kordhisay Mudada la qaadanayo Lacagta Jirada ee (sjuklön)

0

Hay’ada ceymiska Sweden ee forsakringskassan oo bixineysa Lacagta ama Mushaharka Qofka Xanuunka Bilihii April iyo bishan May ayaa kordhisay Mudada Lacagtaasi  la qaadanayo iyadoo laga dhigay ilaa bisha July.

Labada Xisbi ee la shaqeeya Dowlada Centerpartiet iyo Liberalerna ayaa soo bandhigay Barnaamijkaasi oo ku kacaya 9 bilyan mudada labada bilood ee uu socondoono.

Qorshaha Cusub ayaa ah Mid Dowlada ku caawineyso Shirkadaha ka jira Dalka kuwaasi oo horay u bixin jiray lacagta (sjuklön) ee loogu tala Qofka Xanuunsada.

Ugu danbeyn Dad badan ayaa ka faa’ideestay Sharciyada Cusub ee Dowlada soo bandhigtay tan iyo Markii Xanuunka Corona uu ka Dilaacay Dalka.

Maxaa igu waajib ah si aan u helo Lacagta (sjuklön)

Mudada aad Xanuunsantahay waxaa laga dhigay 14 Cisho oo wax sharuud ah lagaaga Baahneen sidaasi darteyd Goobtaada Shaqada ayaa si toos ah warqad ugu direysa Xafiiska ceymiska taasi oo mushaharkaga kuugu soo dareyso lacagta aad xaqa u laheyd mudada aad xanuunsatay

Maxaa dhacaya hadii Lacagta aadan helin

Hadii aadan helin lacagtaada waxay ka dhigantahay in goobtaada Shaqada aysan gudbin warqada ku qoran inta maalin ee aad Xanuunsantahay sidaasi darteyd waa in aad la xiriirtaa forsakringskassan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here