War Deg Deg ah Qof lagu toogtay Xaafada Hermodsdal ee Magaalada Malmö..

0

Abaaro 19:53 pm ee caawa waxaa toogasho ka dhacday xaafada Hermodsdal ee ku taala magaalada Malmö ee caasimada sadaxaad sweden.

Toogashada ayaa loo geestay nin lagu sheegay in uu jiro 30 sano jir waxaana goobta taagashada laga maqlay dhoor rasaas ah.

Weerarkaasi waxaa durba loo xiray labo qof oo looga shakasinyahay toogashadaasi oo ka dhacday wadada Docentgatan ee Xaafada Hermodsdal ee magaalada Malmö sida ay warbaahinta u sheegtay Anna Göransson oo ah afayeen u hadlay dhanka booliska.

Sida uu ku waramayo joornalka Aftonbladet qofka la toogtay ayaa lagu sheegay danbiile caan ah kaasi oo laga toogtay madaxa iyo xabadka waxa uu u dhintay weerarka.

Magaalada Malmö ayaa kamid ah magaalooyinka ay ka dhacaan dilalka la xiriira kooxaha gaangiska.

Lasoco wixii ku soo kordha

Somaliska Stockholm

Xigasho Aftonbladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here