Home News in English Wadamada Sweden, Denmark iyo Norway oo gaaray heshiis Cusub kulan ka dhacay...

Wadamada Sweden, Denmark iyo Norway oo gaaray heshiis Cusub kulan ka dhacay Malmö

0
Foto: Andreas Hillergren/TT

Saddexda wasiir ee gaashaandhigga Sweden, Denmark iyo Norway ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Malmö, taasoo qayb ka ah iskaashiga qotoda dheer ee ka socda gobolka Oslo ilaa Öresund.

Waxaan rabnaa in aan iftiimino in aan hadda si wadajir ah uga shaqeyn doono sidii arrintan loo sii qotomin lahaa, si aan awood ugu yeelanno in aan gacanta ku dhigno marinka laga galo badda Baltic-ga, ayuu yiri Peter Hultqvist, wasiirka gaashaandhigga ee Iswiidhan.

Kulanka ayaa ku billowday afar diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, oo ka kala yimid dalalka Sweden iyo Denmark, kuwaasoo dul heehaabayay dekedda, taasoo muujineysa in la sii xoojin doono iskaashiga difaaca ee labada dal, sida uu sheegay Hultqvist.

“Waxaa jira koror militari oo ka jira gobolka badda Baltic,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Sweden. Dhowr jeer, waxaan aragnay hab-dhaqan aan xirfad iyo mas’uuliyad darro ah oo dhinaca Ruushka ah,” isagoo raaciyay, “Xoojinta iskaashiga ka dhexeeya waddamadeenu waa mid aad muhiim u ah hadda. Heshiisku wuxuu noo ogolaanayaa inaan si dhow isugu xirno howlgallada militari.” Sida uu sheegay TT.

Xoojinta wada shaqayntu waxay khusaysaa fududaynta la socodka badda Baltic. Waxa ka mid ah, isticmaalka hawada iyo kaabayaasha milatari ee mid kasta oo ka mid ah saddexda waddan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here