Home Wararka Maanta Waa Soo Galooti Badankooda 180,000 kun qof oo Shaqo la’an mudo dheer...

Waa Soo Galooti Badankooda 180,000 kun qof oo Shaqo la’an mudo dheer ku ah Sweden

0
Photo: Fredrik Sandberg / TT

Shaqo la’aanta muddada-dheer waxay gaartay rikoor dalka Iswiidan, iyadoo 180,000 oo qof oo shaqo la’aan ahaa muddo ka badan hal sano, badankoodna ay ku dhasheen dalka dibaddiisa (soo galootiga). Falanqeyn lagu sameeyay Xafiiska Shaqaalaha ayaa muujisay 100,000 oo qof oo kale oo qatar ugu jira shaqo la’aan muddo dheer ah.

Falanqaynta ayaa tilmaamtay in dhalinyarada iyo kuwa dibadaha ku dhashay ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada Corona ay saameysay. “Waxay ku saabsan tahay dhalinyarada, dibedda ku dhashay ee inta badan leh waxbarashada dugsiga sare iyo khibrad wax ku ool ah. Waxaa laga yaabaa inay ka shaqeynayeen qaybo sida ganacsi oo uu soo maray isbeddel weyn oo deg deg ah, marka dadkani waa inay la jaanqaadaan isbeddelada,” ayuu yiri. Anika Sundin , oo ah madaxa waaxda falanqaynta ee xafiiska shaqada .

Tusaale ahaan qoto dheerida dhibaatada Corona ee suuqa shaqada, bilihii Maarso iyo Abriil ee sanadkii hore, tirada dadka looga digay in shaqada laga eryo labo bilood oo kaliya, bilaha Maarso iyo Abriil ee sanadkii hore, waxay gaareen 70,000, oo ah rikoor aad u sarreeya. Wadar dhan 123,000 oo qof ayaa lagu wargaliyay shaqo ka fariisinta inta udhaxeysa March 2020 iyo February ee sanadkan.

Sundin waxay sheegtay in suuqa shaqadu uu si aad ah u dhacay markii uu faafay cudurka. “Xitaa haddii suuqa shaqada uu xasillo, shaqo la’aanta muddada-dheer waa sii jiri kartaa,” ayay raacisay. Hadda waxaa jira 180,000 oo qof.

Intaas waxaa sii dheer, waxaa jira in ka badan 100,000 oo qof oo shaqo la’aan ah oo si khatar ah ugu dhow shaqo la’aanta muddada-dheer. Waxaa lawada ogyahay suuqa shaqada in mudada dheer ee shaqo la’aanta ay adkaan doonto helitaanka shaqo cusub, maadaama dadka ku cusub suuqa shaqada ay inta badan ka aqoon badan yihiin dadka mudada dheer shaqo la’aanta ah. Sida laga soo xigtay Sundin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here