Home Wararka Maanta Waa in Lacagta loo kordhiyo Waalidka Caruurtooda la jooga guriga Xili Coronavirus

Waa in Lacagta loo kordhiyo Waalidka Caruurtooda la jooga guriga Xili Coronavirus

0

Lacagaha la siin doono waalidiinta shaqooyinka ka jooga si ay guryaha ugu xanaaneeyaan caruurahooda hadii iskuullada laga fadhiisiyo Corona awgeed ayaa aad u hooseysa

Waa sida ay sheegeen dhowr xisbi oo mucaarad ah iyo isku tagga ururrada shaqaalaha ee LO.

-Waxeey si xun u saameeynaysaa dhaqaalaha qoysaskan, khaasatan kuwa caruuraha leh, ayey sheegtay Julia Kronlind af-hayeenka caafimaadka ee xisbiga Sverigedemokraterna.

Dhanka kale ayey dawladdu soo jeedisay hindise ah in waalidiinta caruurahooda guryaha la jooga marka iskuullada laga xidho Corona awgeed lacag ka heelaan qasnadda caymiska ee Försäkringskassan.

Qodobkan ayaana ah qodob muhiim ah oo Xisbiyada qaar kasoo horjeedaan kuwaasi oo u arka mid xiligan aan loo baahneen marka la fiirsho xaalada lagu jiro.

Dawladda ayaan hase yeeshe filayn in dugsiyada hoose iyo kuwa xannaanada aan albaabada loo xidhi doonin, laakiin isku diyaarinaysa  hadii xaaladdu is bedesho u oggolaato 90% gunno maalmeedkii ey heli jireen waalidiinta leh caruuro illaa iyo da’da 12 jirka.

Wasiirka ceymiska dalkan Ardalan Shekarabi ayaa sheegay in sababta lacagtan loo yareeyay tahay dhaqaalaha dalka oo la  ilaalinayo wakhtiga adag ee lagu jiro.

Xisbiyada Kristdemokraterna iyo Vänsterpartiet ayaa iyaguna dhaleecayay hindisahan oo ay dawladdu dhabeeyn doonto sabtida foodda innagu soo haysa.

-Waxaa jira qoysas aaney ku filnaan doonin lacagtan oo u baahan in ay kirooyin iyo cunto iska bixiyaan ayey sheegtay Nooshi Dadgostar hogaamiye ku xigeenka xisbiga Vänsterpartiet.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here